KU SOO DHAWOOW MEESHA HIVIDAG.SE
Inuu qofku isagoo qabo cudurka hivka ku noolaado wadanka Iswiidhan aad ayay uga macno duwan tahay sidii shalayto la sameeyey ama ay ahayd. Waddanka Iswiidhan daawaynta cudurka hivku wuxuu noqday wax ku ool oo hoos ayuu uga dhacay heerkii uu joogay ilaa uu gaaray eber oo markaa in cudurka uu qofku u sii gudbiyo qofkale ama uu qof kale ku daarto aad ayay u hoosaysaa. Cudurka hivku maanta ma aha cudur dilaa ah ee waa cudur uu qofku sidayo oo infekshankiisa la daawayn karo. Haddii daawayntiisa la bilaabo wakhti fiican ama wakhti hore wuxuu markaa qofku filanayaa ama rajaynayaa inuu noolaado intii uu caadiyan noolaan lahaa isagoon cudurka hivka ah qabin.
Dad badan ayaa cudurka hivka ah iyagoo qabo ku nool wadanka Iswiidhan. Inuu qofku jaahil ka yahay in qofka cudurka hivka qabaa uu ku noolaan karo waxay keentaa takoorid. Sidaas daraadeed waxa loo baahan yahay in aqoonta cudurka hivka kor loo qaado. Halkan waxaad ka oggaanaysaa waxyaabo badan oo ku saabsan micnaha in lagu noolaado cudurka hivka maanta. Waxa aanu annagu aaminsanahay inaad adigu ka heleyso aqoon badan micnaha ka dambeeya in cudurka hivka lagu noolaankaro maanta wadanka Iswiidhan.